Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Akhriso Ergeyga IGAD oo war ka soo saaray kadib booqashadii uu ku tagay Kismayo

08 August 2019 (Puntlandes) Ergeyga urur goboleedka IGAD oo maalmahan ku sugnaa magaalad Kismayo ayaa soo gabagabeeyey booqashadii uu ku joogay halkaas, war-saxaafadeed uu ka soo saraay ayuu sheegay in ay halkaasi u joogeen, si ay gacan uga geystaan doorashada Jubaland.

Dr Maxamed Guyow ayaa sheegay in habka ay wax ku socdaan ay la wadaagi doonaan beesha caalamka oo il gaar ah ku heysa doorashadaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in IGAD ay caddeyneyso in ahmiyad gaar ah ay leedahay doorashada baarlamaanka iyo mida madaxweynaha ee Jubbaland ka dhaceysa dhammaadka bishan..

Ergeyga IGAD u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay in uu adkeynayo baahida loo qabo in ay dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah.

Mr Guyow ayaa intii uu joogay Kismaayo la kulmay guddiga doorashada, qaar ka mid ah musharaxiinta is bedel doonka ah, odayaasha dhaqanka, iyo qeybaha bulshada.

Doorashada Jubbaland ayaa lagu wadaa in la qabto 24-tanka bishan August, taas oo haatan qaban qaabadeeda laga dareemayo deegaanada maamulkaasi.

Akhriso qoraalka oo afka Ingiriiska ku qoran

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *