Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

golaha1960 oo u dabaaldegey waxqabdkiisii sanadkii 2017 doorasho ka dibna u aqoonsaday….

 

Golaha1960 ,golaha codka shacabka Somaliyeed oo ay xubno ka yihiin dad fara badan oo Somali ah kalana jooga aduunyada daafaheeda kuwaasoo isgu jira aqoonyahan ,siyaasiyiin culimo iyo waxgarad badan oo kala duwan.           Golaha1960 Waxaa lagu soo bandhigaa doodo ku saabsan  arimaha siyaasadda somaliya meesha ay marayso,barnaamijo diineed,barnaamijyo waxbarasho ,barnaajimyo lagaga hadlo oo ku saabsan arimaha bulshada iyo waraysiyo kala duwan oo lagula yeesho Siyaasiyiinta somaliyeed ,aqoonyahanada kala duwan iyo bulshada qaybeheeda kala duwan, waraysiyadaasi oo Golaha1960 ku soo bandhigo Wabsaydhada Golaha1960 iyo Websaysgada kale ee ay wada shaqaynta leeyihiin sida Puntlandes.com, Saadaalnews.net iyo puntlandobserver iyo websaydho kale oo badan.

Sidoo kale ka sokow dabaaldega waxqabdka Golaha1960 ee sanadka 2017ka waxay goluhu Doorasho aad u xiisa badneyd oo golaha dadweynaha dhegeystaa ka qayb qaateen ay u kala aqoonsadeen xubno ka tirsan golaha1960 maamulkiisa  iyo xubno ka qaybqaata doodaha golahu u soo bandhigo  bulshada somaliyeed  iney yihiin dad golaha ku soo kordhiyey aqoon ,asluub,dulqaad iyo hogaamin wanaagsan oo dadka somaliyeed kaga dayan karaan.

Xubnaha la doortay oo qaybaha kala duwan loo doortay iney ahaayeen dadka ugu wanaagsanaa sanadkii 2017kii waxay kala yihiin.

1-  Shakhsiga sanadka  ee golaha1960 2017kii  Waxaa loo doortay Aqoonyahan YALAX.

2- maamul wanaaga iyo dulqaadka looga baahnaa maamulka golaha waxaa ku guuleystey     .XIRSI

3-ka qayb qaadashada doodaha,barnaamiyada ahna qof ku caanbaxay isticmaalka hadal aan xanaf lahayn ,Waxaa  loo doortay  ISRA

4- Shakhsiga golaha gudihiisa had iyo jeer ilaaliya habsami u socodkiisa wakhti walbana ku dadaalala in laga ilaaliyo dooduhu iney abuuraan ismaandhaaf  ,ahna odayaga Golaha1960  waxaa loo doortay ODAY CAARE.

5-Shakhsiga golaha1960 bulshada somaliyeed uga soo gudbiya Barnaamijyo aqoon ay ka kororsanayaa inta badan ,waxaa loo doortay Aqoonyahan YALAX.

6- Shakhsiga ugu dulqaadka badan dadka somaliyeed ee ku xiran golaha1960,waxaa loo doortay,ALI GUREY.

7-   SHakhsiga waxbarasho diineed oo badan ay dadka goluhu ka kororsadeen waxaa loo doortay SHEEKH DALMAR.

Sidoo kale aqoonyahan WARDHEERE ayaa noqday shakhsiga ay dadku ugu jecel  yihiin qaabka soo bandhigidda barnaamijyada iyo fahansiinta dadka wax kasta oo uu ka hadlayo, sidoo kalena ah beytariga uu goluhu ku shaqeeyo   BULSHADA SOMALIYEED MEEL KASTA OO AY KU NOOL YIHIIN JECELYIHIIN INEY DHEGEYSTAAN.

kulan d ambe iyo sanad wanaagsan oo khayr qaba.

 

 

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *