Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

magaalada badhan oo lagu soo bandhigay hidaha iyo dhaqanka somaliya

15 bishii 9 aad ee sannadkii 1997-kiI,  ayaa dhalinyaro iskood isu xilqaamay dhidibada u taageen Dugsiga Alfurqaan, iyagoo ka duulaaya ARAGTIDOODII diimeed iyo DAREENKOODII wadaniyadeed.

Waxa ku kiciyey dareenkan waaya aragnimo ay ka dhexleen:
1. Duruufihii adkaa ay bulshadu ku nooleed ka dibib markii ay burburtay dowladii dhexe
2. Tababar ay ku soo qaateen qaybtood Macadkii tababarka Macalimiinta ee magaalada Bosaaso 1996 dii
3. Talaabooyin ay qaadeen dhalinayrooyin la midka ahaa ee wax barsho ka hirgeliyey Magaalada Bosaaso. (Jamciyadda Tadaamun) إستلهام الأفكار .

Waxana ka mid ahaa ujeedooyinkii ugu waaweynaa ee ay ka lahayeen asaaska dugsiga Alfurqaan:
1. Badbaadinta jiilkii soo kacayey.
2. Soo saarida Arday ka dhisan AQOONTA , DHAQANKA iyo WAXQABADKA si ay mustaqbalka bulshooyinkooda u hantaan.
Geesiyaasha halgankaa guusha laga gaadhay dhidibada u aasay waxay kala ahayeen:
1- Maxamuud Maxamed Cismaan (faymoon)- USA.
2- C/casiis Axmed Saalax (Ridwaan) – Maamulaha guud ee Dugsiyada Alfurqaan
3- Caydaruus Axmed Faarax- Maamulihii hore ee Dugsiga, Madaxa Salaam.
4- C/qaadir Axmed ismaaciil- maamule ku xigeenka Dugsiga.
5- Daahir axmed Ducaale- Madaxa Umulquraa Pre –school.
6- Maxamud ismaciil Jamac Ciyoon, Maamule ku xigeenkii hore dugsiga, G.Gobolka Sanaag.
7- Cumar Axmed Siciid – USA.
Waxa fikradaa laqaatay hirgelinteedana dadaal badan geliyey la’aantoodna aanay socoteen
1. Shiikh Maxamud Faarax Cismaan- maamule ku xigeenkii ugu horeyey ee dugsiga, madaxa maaliyada.
2. Khadra Maxamed Warsame, Madaxa arimah ardayda dugsiga H/dhexe.
3. Maxamed Ismaaciil Jaamac, maamulah D. Hoose Dhexe
4. Maxamed Cumar Bulqaas.- Macalinka luqadaha. Hadana dugsiga si fulinteera u caawiya waqtiga loo baahdo.
Asaaskii dugsiga waxa uu ahaa HALGAN dheer oo guula badan laga gaadhay ayna ka qayb qaateen qayba kala gedisan oo bulshada ka tirsan
Lasoco qaybta danbe …….
Qabya qoraal ka mid ah (Riyadii rumooday -sheekadii guusha ee Asaaskii dugsiga Alfurqaan) Book and Documentary Film
By MSF

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *