Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

SOMALILAND: Hay’adda Xuquuqul Insaanka oo Xustay Maalinta Xuquuqul Insaanka [SAWIRRO]

Hay’adda xuquuqul Aadanaha ee dawladda, ayaa maanta munaasibad u samaysay maalinta xuquuqda aadanaha ee sanad kasta 10-ka bisha December caalamka loogu xuso.

Munaasibaddaan ayaa waxa kasoo qayb-galay Wasiirka Cadaaladda, wasiirka Maaliyadda, Xeer-ilaalinta iyo dadka u ololeeya Xuquuqda Aadanaha iyo Cadaaladda.

Prof Cabdi Cali, agaasimaha fulinta ee Komishanka la dagaallanka AIDS-ka ayaa dadka u soo jeediyey inay xaq dhawraan dadka la noool cudurka HIV/AIDS, wuxuuna walaac ka muujiyay tacadiyo lagu hayo dadka la nool cudurka HIV/AIDs-ka.

“Waxaanu la shaqaynaa dadka la nool xanuunka HIV/AIDs-ka. Dadkaasi waxay u baahan yihiin xuquuqdooda inay helaan, xuquuqdoodana waa la dafiraa, waa la iska indho-tiraa waana lagu xadgudbaa. Maalin kasta waxa noo yimaada dad ooyaya oo waliba haween u badan oo leh guryihii baa nalaga saarayaa marka la ogaado in aanu xannuunkii qabno oo guriga nooga baxa nala odhanayaa. Anagu mar walba dadka waxaanu ku wacyi galinaa inaan xanuunka lagu kala qaadin macaamilka caadiga ah, sida cudurada kale ee TB ka mid tahay, balse cudqada aynu ka qabno aawadeed ayaynu ku xadgudubnaa xuquuqdooda,” ayuu yidhi Prof Cali Jaamac.

“Guddigu wuxuu qabtaa dhammaan waxyaabaha la xidhiidha gefefka laga galo xuquuqda aadamaha iyo xorriyaadka aasaasiga ah ee muwaadiniinta iyo dadka dalka degan, iyadoon xeerarka dalka lagu xadgudbin,” ayay tidhi Marwo Fadxiya, guddoomiyaha xuquuqda aadanaha.

Waxaanay intaas ku dartay. “Komishanku wuxuu kormeeray 11-xabsi oo kala ahaa; Xabsi dhexe, lix xabsi goboleed iyo afar xabsi degmo. Komishanku wuxuu sanadkan kormeeraya 45-saldhig oo ku kala yaalla gobollada Somaliland, guddigu wuxuu kormeeray xarumaha waxbarashada, barakacayaasha iyo qaxoontiga, xarumaha caafimaadka, sida dhakhtarada dhimirka & cilaajyada, xarumaha agoomaha iyo xarumaha dhaqan-celinta. Cabashooyinka komishanka xuquuqal iisaanka qaranka sanadkan 2015 soo galay waxay dhammaayeen 145 cabasho oo aanu dhammaantood ku dhamaynay sifo sharci ah. Waxaanu qabanay tababaro iyo wacyi galin aanu u samaynay bulshada qaybaheeda kala duwan. Waxaanu u ololaynay sidii uu xeer u noqon lahaa xeerka ka hortaga Kufsiga, maadaama dalka kufsigu aafo weyn ku hayo. Waxaanu qabanay dood cilmiyeedyo ku saabsan tahriibka, dadka qaba xanuunka dhimirka iyo kufsiga,” ayay tidhi Marwo Fadxiya Jaahuur

Ugu dambeyn wasiirka caddaaladda Axmed Faarax Cadarre iyo xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa soo gabogabeeyay kulankaasi, kuwaasi oo tilmaamay muhiimada ilaalinta xuquuqda bani’aadamka. Waxay sheegeen in hanaanka caddaaladda dalku yahay mid ka soo raynaya, islamarkaana sharciga loo maro isqabqabsiga bulshada iyo cabashooyinka soo baxa.

Dhinaca kale, xarunta xuquuqul insaanka Somaliland oo iyadu ka madax banaan hay’adaha xuquuq aadanaha Dawladda, ayaa warbixin madax banaan  soo saartay, iyadoo sheegay in sanadkan wariyeyaal faro badan la xidhay,isla markaana laba wargeys ay xayiran yihiin.

“Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay baadhitaankeeda ku ogaatay xadhig aan loo marin sifada sharciga ah, muddo dheer oo xadhig lagu hayo dadka ka hor intaan dacwadoodu si buuxda u bilaabmin. Xaaladda saldhigyada booliisku waa mid daran, mana laha baahiyaha aasaasiga ah sida cuntada iyo nadaafadda. Booliiska Somaliland ma hoos tago kormeerka iyo dacwad qaadista maxkamadaha caadiga ah (civilian courts). Suxufiyiin, u doodayaasha xuquuqal insaanka iyo xubno ka tirsan xisbiyada mucaaradka ah ayaa loo geystay kadeed ama xadhig aan sharci ahayn. Sanadkan waxa Somaliland lagu xidhay sagaal iyo toban (19) weriye. Waxa dawladdu joojisay wargeyska Hubsad inuu soo saaro wax daabacaad ah. Waxa 30kii November lagu xidhay Hargeysa Cabdirashiid Nuur Wacays, gudoomiyaha wargeyska Hubsad iyo Siciid Khadar Cabdilaahi, tafatiraha Hubsad. Masuuliyiintu waxay ku eedeeyeen suxufiyiintaas inay soo saareen wargeys aanay ruqsads u haysan. Waxa damaanad lagu sii daayey 3dii December. Suxufiyiintan waxa laga xidhay Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo ay u tageen si ay uga diiwaangeliyaan hogaan iyo mulkiilayaal cusub oo la wareegay wargeyska Hubsad. Wargeyska Haatuf oo dawladdu xayirtay April 2014 sidoo kale weli wuu xayiran yahay”ayuu yidhi Guuleed Axmed Jaamac, gudoomiyaha xarunta Xuquuqul insaanka.

Sidoo kale, waxay xaruntani xustay in la xidhay gudomiyaha xaruntan xaquuqda aadanaha u doodda, waxa kale oo la xidhay hogaamiye dhaqameed dhaliilay dawladda. waxayna soo jeedisay xaurntu tallooyin ku aaddan wax ka qabashada tallaabooyinka gurucan ee ay kula dhaqanto Xukuumaddu shacabka.

Xukuumadda Somaliland ayaa waxaa jeediyay qodobbadan:

  • Dib u habayn ku samayso booliiska si waafaqsan dastuurka Somaliland iyo dhaqamada wanaagsan ee caalamiga ah;
    • Hoos geys booliiska dacwad qaadista maxkamadaha caadiga ah;
    • U asteeyso baadhis madaxbanaan oo lagu sameeyo dhacdooyinkii geerida iyo dhaawaca ahaa ee booliisku ku lug lahaa;
    • Awoodda booliisku isticmaalo ay noqoto mid sharci nidaamiyo, u dhiganta khatarta soo food saarta oo si adag u raacda xadidaada sharci ee uu soo rogay sharciga Somaliland iyo halbeegyada dhaqamada wanaagsan ee caalamiga ah;
    • Booliisku uu ixtiraamo oo uu raaco dastuurka Somaliland iyo Xeerka Habka Ciqaabta marka uu cid xidhayo, baadhitaan ama qabasho samaynayo;
    • Joojiso ciqaabta ay ku qaadayso warbaahinta iyo u raacitaanka ay u raacayso dacwadaha ka dhanka ah warbaahinta Xeerka Ciqaabta;
    • Laasho dhamaan eedaha ay u haysato Cabdirashiid Nuur Wacays iyo Siciid Khadar Cabdilaahi;
    • Ka qaado wargeyska Haatuf xayiraadda ayna ogolaato inuu dib u furmo Haatuf;
    • Ogolaato in wargeyska Hubsad uu shaqeeyo;
    • Joojiso xadhigga iyo kadeedka ka dhanka ah suxufiyiinta;
    • Ogolaato furitaanka idaacado madax banaan;
    • Joojiso ka hortagga mudaharaadyada, oo ay ogolaato mudaharaadyada si dadku ay awood ugu yeeshaan inay isticmaalaan xorriyadooda dastuurku u damaaanad qaaday;
    • Dhaqangeliso Siyaasadda Qaran ee Jinsiga (National Gender Policy);
    • Samayso xeer maamula arimaha qoyska, xeer lagaga hortaggo tacadiyadda ku salaysan jinsiga islamakraana inay abuurto deegaan ka ilaaliya dumarka tacadiyada ka dhanka ah jinsiga, iyo inay dib u habayn ku samayso hay’daha sharci fulinta si dhibanayaasha tacadiyada ka dhanka ah jinsigu ay u awoodaan inay soo warbixiyaan oo ay raadsadaan caddaalad;
    • Wax ka bedesho Xeerka Ciqaabta oo ah xeer gaboobay oo ay soo saarto xeer ciqaabeed waqtiga la jaan qaadsan oo waafaqsan dastuurka Somaliland;
    • Nidaamiso goobaha shaqada si ay awood ugu yeeshaan shaqaaluhu inay isticmaalaan xuquuqdooda ku dhigan Xeerka Shaqaalaha Rayidka ah;
    • Diiwaangeliso qaxoontiga oo siiso ilaalin iyo caawimo.

Baarlamaanka Somaliland ayaa isna loo jeediyay:

  • Ansixiyo Xeer Booliis oo waafaqsan dastuurka iyo halbeegyada caalamiga ah;
    • Ansixiyo kootada haweenka iyo qabiilada laga badan yahay.”

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *