Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

xildhibaano ku shiraya magaalada nairobi qodobana ka soo saaray

Xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo fasax dib uga soo laabanaya ayaa kulan ay shalay ku yeesheen Hoteel Intercontinental ee magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, waxay kaga hadleen xaalada guud ee dalka sida; Amniga, Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada.

Mudanayaashan oo tiradoodu ka badnayd 40, ayaa waxay kulankooda iskula soo qaadeen sida ugu haboon ee loo maareyn lahaa kulammada kal-fadhiga 8-aad ee dhawaan furmaya, iyagoo aragtidooda kusoo koobay qodobbada soo socda:

  1. Waxaan ugu baaqaynaa Xukuumadda FS, shacabka Soomaaliyeed (Gudaha iyo dibadda) iyo Beesha Caalamka inay gurmad dhaqso ah u fidiyaan dadka abaaruhu wax yeeleeyeen.
  2. Xildhibaannada waxay tacsi u dirayaan dowladaha iyo shacabkooda oo ay ciidamaddu uga geeriyoodeen gudaha Soomaaliya, iyagoo naftooda u huray la dagaalanka cadawga Soomaaliyeed. Shacabka iyo Dawladda Soomaaliya way ka xunyihiin dhiiga ciidamada dalalkaas oo dhiigoodu ku daatay dalka Soomaaliya, taariikhda Soomaaliyana baal dahab ah ayay kaga qoran yihiin;
  3. Waxaan hambalyo iyo guubaabin u soo jeedinayaan Maamullada, Shacabka iyo ciidanka xoogga dalka ee Puntland iyo galmudug sida geesinimada iyo adkaasha leh ee ay uga hortageen fiditaanka argagixisada, waqti gaabanna ay ku soo afjareen. Waa talaabo ku dayasho mudan oo aan ugu baaqayno in dalka intiisa kale looga daydo;
  4. Iyadoo la eegayo danta guud ee dalka, dadka iyo dastuurka, waxaa lagama maarmaan ah baarlamaanka 10aad waa in uusan doorashudu dhaafin 20-ka August 2016-ka, sida uu qabo sharciga iyo Dastuurka dalka;
  5. Waxaan ka digaynaa siyaasadda “daahi oo daali” oo laga leeyahay in lagu fushado dano gaar ah. Waxaan xukuumadda Somalia looga fadhiyaa, in iyadoo tix-gelinaysa Qaraarkii Barlamaanka, ay soo gudbiyaan go’aan wadar oggol ah, oo lagu soo doorto Barlamaanka 10aad. Waxaan Beesha Caalamka ee danaysa arrimaha Soomaaliya ugu baaqaynaa in ay la yimaadaan cadaadis siyaasadeed oo baajiya in Soomaaliya gasho jaahwareer siyaasadeed;
  6. Hannaanka iyo wadiiqada loo marayo yagleelida baarlamaanka 10-aad waa inay ahaataa mid ay u caddahay shacabka Soomaaliyeed, kana madax banaan ku danaysi siyaasadeed. Shaqsiyaadka tartamaya waa in laga ilaaliyaa in aysan saamayn toos ah iyo mid dadbanba ku yeelan habsami u socodka hanaanka iyo wadiiqada loo marayo soo xulida Barlamaanka soo socda.

–     Warkan waxaan ka soo qaadanay hiiraan online.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *