wasiirka warfaafinta maamulka labaxay Soomaaliland Cadaani ayaa sheegay in hadii ay yihiin Maamulka Soomaaliland aanay wax lug ah ku laheyn midnimada Soomaaliya oo ay soomaaliland qeyb ka tahay, islamarkana aysan Soomaaliland ka mid aheyn Soomaaliya.

Waxa uu intaasi ku daray in qofkii ka soo jeeda Soomaaliland ee ka qeyb gala shirarka ka socda Muqdisho isagoo sheeganaya in uu matalayo Soomaaliland uu yahay dalbiile galay dembi qaran,

“Waxaa Ayaandarro iyo layaab ah wararka muqdisho ka soobaxaya, waxaan u cadeyneynaa marlabaad aduunyada oo dhan in cida matali karta Soomaaliland ay yihiin oo keliya masuuliyiinta shacabka Soomaaliland doorteen” sidaasi waxa yiri Wasiirka.

Waxa uu si aad ah uga biya diiday in ay ka qeyb galayaan shirarka Muqdisho ee dowladda dhexe ayna ka Soomaaliland ahaan horay u sheegeen in ay Soomaalia ka mid aheyn.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in labada gole ee la dhisayo ee Dowladda dhexe ay ka qeyb tahay Soomalailand islamarkaan wax ku leedahay taladda dalka si la mid ah maamul goboleedyada dalka ka jira.