Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

DF Somalia oo si kulul uga Hadashay ‘Shacabka DHAHAR oo Ciidanka Puntland Rasaas ku kala eryeen

Ciidamada maamulka Puntland ayaa Rasaas ku furay dad Shacabka ah oo dhigay Isku soo bax  ay  ku taageerayeen Dawladda Soomaaliya, waxaana la Arkayey Muuqaalo laga duubo dad shacab ah oo Rasaasta lagu kala eryay.

Waxaana Arintan ka hadashay Xukuumadda Soomaaliya, oo iyada ay Puntland horay ugu eedaysay inay Rasaas u adeegsatay Banaanbixii Mucaaridka ee Muqdisho.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay aad uga xun tahay falkii foosha xumaa ee maanta ka dhacay magaalada Dhahar ee Gobolka Sanaag oo ay ciidamada Amniga Puntland si ula kac ah xoog iyo xabad ugu adeegsadeen bulshada ku dhaqan magaaladaas oo samaynayay banaanbax nabadeed.

Fal kasta oo waxyeello loogu geysanayo shacab aan hub wadan waa mid aan la aqbali karin.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku baaqaysaa in la ilaaliyo nabadda iyo xasiloonida, shacabkana la dhawro.”

Kalshaale.com

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *