Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

R/wasaaraha somaliya ayaa xilkii ka qaaday wasiirkii boostada iyo is gaarsiinta

R/wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, ayaa ka qaatay xilkii Wasiirkii Boostada iyo Isgaarsiinta Somaliya, Guuleed Xuseen Qaasim, kaddib wareegto kasoo baxday xafiiskiisa. Sharma’arke ayaa xilka Wasiirka Boostada iyo Is-gaarsiinta u magacabay Wasiir cusub oo lagu magacaabo, Maxamed Jaamac Mursal, sida lagu xusay Wareegatada RW Somalia uu soo saaray. Kulan uu RW Somalia xalay la qaatay Golaha Wasiirrada, ayuu ugu sheegay in xilkii uu ka qaaday Wasiirkii hore ee Boostada iyo Isgaarsiinta Somalia, Guuleed Xuseen, uuna xilka u magacaabay wasiirka cusub, Maxamed Jaamac. Sidoo kale, Xil ka qaadidda ayaa noqonaysa isbedelkii 2-aad oo RW Cumar uu ku sameeyo golihiisa Wasiirrada tan iyo markii xilka loo magacaabay Sharma’rke, isagoo horay isbedel ugu sameeyay xubno ka tirsan golaha Wasiirradiisa. , Wasiirkan xilka laga qaaday ayaa noqonaya midkii saddexaad oo uu xilka ka qaado RW Sharma’arke, isagoo horay xilalkii ka qaaday, kuna bedelay wasiirro cusub, Wasiirradii Ganacsiga iyo Tamarka

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *