Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

madaxweynaha Puntland oo garoowe lagu soo dhoweeyey

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo  safar shaqo u maqnaa magaalada Muqdisho ayaa maanta soo gaarey magaalada Garoowe ee Caasimadda dawladda Puntland.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha  ku soo dhoweeyey Madaxweyne ku xigeenka dawladda Puntland Eng. Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey, guddoomiyaha Baarlamaanka dawladda Puntland  Axmed Cali Xaashi, Wasiirro, Xildhibaano, maamulka gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe iyo boqollaal dadweyne ah.

Ka dib madaxweynuhu wuxuu u gudbey Madaxtooyada dawladda Puntland ee Garoowe,  halkaas oo uu kula hadlay  qaybaha kala duwan ee warbaahinta isla markaana uga warbixiyey safarkii uu ugu maqnaa magaalada muqdisho iyo waxyaabihii uga soo hirgalay.

Madaxweynaha  ayaa sheegay in safarkiisii uu guul kusoo dhammaaday maadaama Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya uu xeer Madaxweyne ku meel mariyey heshiiskii ay wada gaadheen dawladda Puntland iyo dawladda Federaalka Soomaaliya ee dhabbaha loogu xaarayey hannaanka doorashooyinka 2016-ka. Madaxweynuhu  waxa uu sheegay  in maalmaha soo socda magaalada Garoowe lagu qaban doono shirka madasha wadatashiga Qaran isla markaana ay halkaan isugu imaan doonaan Madaxda dawladda Federaalka iyo Madaxda dalwadaha xubnaha ka ah.

Madaxweynaha  dawladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in dhowaan magaalada Garoowe lagu qaban doono shirweynihii dib u eegista dastuurka qabyo qoraalka ah  ee dawladda Federaalka Soomaaliya oo hore dhowr

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *