Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

safa Labada madaxweyne ee dalaka Turkiga iyo Somaliya MR Ardogan iyomadaxweynaha somaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si wadajir ah xariga uga jaray maanta dhismaha Safaaradda Turkiga ee Somalia, taasoo ah safaarada ugu weyn ee uu Turkigu ku leeyahay Calaamka oo dhan.

Sidoo kale, Recap Erdogan oo hadal ka jeediyay xafladda ayaa sheegay inay sii wadayaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya, isla markaana ay sii joogi doonaan, Wuxuuna intaas ku daray inay dhisi doonaan xero lagu Tababaro Ciidamada Dowladda Federaalka Somalia.

“Madaxweynaha turkiga ayaa yiri waxaa naga go’an inaan sii wadno Taageerada aan siinayno Soomaaliya, waanan sii joogi doonaa, Mar kalena waan soo booqan doonaa Somalia,” ayuu hadalkiisa ku daray Erdogan oo xafladda ka hadlayay.

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh ayaa dhankiisa sheegay inay ku faraxsan yihiin in Maanta ay kusoo dhaweeyaan Muqdisho, ayna xarigga ka jaraan safaaradda dalka Turkiga ee Muqdisho, oo uu xusay inay tilmaan u tahay xiriirka ka dhexeeya Labada Waddan.

Dhanka kale, Madaxweynaha Turkiga ayaa lagu wadaa inuu Madaxda Somalia la saxiixdo heshiisyo ay Dowladda Turkiga kaga fulinayso Muqdisho Mashaariic kala duwan, kuwaas oo qayb ka ah horumarinta Soomaaliya.Maanta, Amniga Magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo Waddooyinka isku xira Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, Madaxtooyada iyo Weliba Safaaradda Turkiga loo diidayay inay dadka iyo gaadiidku maraan .Sidoo kale wadooyinka magaalada muqdisho ayaa iyana xirnaa intooda badani sababta oo ah dhinaca amniga oo beryahan xumaa.

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *