Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

xog/madaxweynaha puntland oo magacaabay gudiga doorashooyinka puntland ee 2016

Waxaa la sheegayaa inuu magacaabay madaxweynaha puntland Cabdiweli Maxamed Ali Gaaswaxaana xubnahan  gaarayaan 8 xubnood,oo la sheegay iney noqon doonaan gudiga doorashooyinka puntland ee 2016ka

Saraakiisha ku dhaw dhaw Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in xubnahan guddiga ay ka dhex muuqdaan shaqsiyaad bulshada dhexdeeda si weyn looga yaqaano, kuwaas oo horey u soo noqday Ganacsato, Nabadoono, Xildhibaano, Wasiiro iyo Ururada bulshada rayidka ah.

Guddigan ayaa dhawaan bilaabaya shaqadooda, waxaana la fahamsan yahay fahamsa in uu Madaxweynuhu si deg deg ah ugu soo laaban doono caasumada Puntland ee Garoowe, isagoo halkaas si rasmi ah uga dhawaaqi doono xubnaha guddigan.

Xulida xubnaha Puntland ay u dirsanayso ugana qeybgalaya Labada Aqal ee Hoose & Sare ee dawladda Faderaalka ayaa Loolan adag loogu jiraa, wali lama qeybin sida ay beeluhu u kala helayaan labada Aqalba, laakiin doodaha xoog badan ayaa ka dhalan doona sida oo kala saari doono.

Hadda Puntland waxaa jooga Siyaasiin horay u soo qabtay Xilal kala duwan oo ay ku jiraan Mudanayaal baarlamaan oo horey u joogay shantii sano lasoo dhaafay baarlamaanka Faderaalka, oo markale doonaya in ay xubno ka noqdaan Aqalada baarlamaanka & Sare.

Beelaha oo dhan ayaa doonaya in ay xubno ku yeeshaan labada aqal, Madaxweyne Gaas-na wuxuu helay todobaadyadii uu dambeeyey codsiyo uga imaanaya beelaha Puntland oo ay mid kasta doonayso in ay hesho xubin cusub oo labada Aqal ah

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *