Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

26-Ruux oo ku dhintay Weerarkii iyo Sawirro Laga soo Qaaday Hotelkii la Weeraray shalay [Daawo]

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo Saxaafada la hadlay ayaa ka tacsiyeeyay dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii iyo weerarkii al-shabaab ku qaaday Hotelka Madiina isagoona ka warbixiyay sida ay wax u dheceen.

Madoobe ayaa sheegay in 26 qof ay ku dhinteen weerarka halka 56 kalana ay ku dhaawacmeen isagoo sheegay in dadka dhintay ay ku jiraan qaar haystay jinsiyadaha dalalka.

Wuxuu sheegay inay dadka dhintay ku jireen 10-Ruux oo haystay Jinsiyadaha dalal kala duwan Sida.  Kenyan 3 qof,  Canadian 1 qof,  British 1 qof,    American 2 qof iyo  Tanzanian 3 qof.

Ajaaniibta uu sheegay Axmed Madoobe ayaa waxaa ku jira dad Soomaali ah oo heysta baasabooro shisheeye sida ay sheegayaan warar laga helayo ilo kala duwan.

Madaxweynahu waxaa kale oo uu sheegay in labo qof oo u dhalatay wadanka shiinaha ay ka mid yihiin dadka dhaawacmay kuwaasoo hada xaaladoodu aad u wanaagsan tahay.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah tacsi ugu diray ehelada uu ka baxay Xildhibaan hore hadana ahaa musharax u tartamayay xilka madaxtinimo ee Jubbaland Xildhibaan shuuriye iyo Alle ha u Naxariistee wasiir hore oo Jubbaland ah Jaamac fariid iyo marwadiisa Hodan naleeye isagoo ilahay uga baryay dhamaan dadka dhintay in uu janadii fardowso ka waraabiyo kuwa dhaawaca ahna wuxuu u rajeeyay caafimaad taam ah.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *