Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Saraakiil ka socda wasrada Gashaandhiga ee Dowlada Federaalka Somalia ayaa soo gaadhay Gobolka Sanaag

Saraakiil ka socday wasarada Gashaandhiga dowlada Federaalka Somalia iyo Xoogga dalka Somalia oo ay weheliyaan  qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidanka daraawiishta Puntland ayaa soo gaadhay Gobolka Sanaag

Waxa halkaas ku soo dhoweeyey Taliyaha Qaybta 9 aad ee Ciidanka Darawiishta Gobolka Sanaag Col Cabdillahi Cumar Cashuur Ujeedadad Socdaalkoodu waxa ay ku saabsanayd sidii loo diiwaan gellin lahaa ciidamada ku sugan Gobolka

Safarkooda waxa ku weheliyay qaar ka mid ah Shaqaalaha Salaama Bank  oo iyagu xogta ciidamada qaadaayey si Account loogu furo mushaharkoodu ku soo dhaco

Markii ay shaqadoodii soo dhamaysteen waxa Qasriga uu ka deganyahay Magalada Badhan ku qaabillay Suldaanka Guud Suldaan Saciid Suldaan Cabdisalaam waxan goob joog ka ahaa Gudomiyaha Gobolka Sanaag M Ciyoon

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *