Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax gaadhi oo maanta ka dhacay Naxaaxiga Xaawo Taako ee magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in gaadhiga qarxay uu markii hore ka yimid dhanka Koontaroolka Wadada Godka Jilacow, Kaasi oo  la dhigay maqaayad ku taal wadada dhinaceeda, waxaana qaraxa sababay dhimashada ilaa 2-Ruux  iyo dhaawac kale.

Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa ah meel ammaankeeda aad loo ilaaliyo waxaa ku yaala maqaayado, goobo ganacsi iyo Hotelka Xaawo Taako.

Labada dhinac ee wadada hormarta waxaa ku yaalla koontaroolo laga ilaaliyo ammaanka, sida Koontaroolka Tiyaatarka Qaranka ee ay ku sugan yihiin Ciidamada Milateriga Ilaalada Madaxtooyada iyo Koontaroolka dhanka Wadada Godka Jilacow hormarta oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Nabadsugida.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, waxaana intaa ku dartay inay qarxiyeen mid ka mid ah Koontaroolada laga ilaaliyo Madaxtooyada, waxaana horay uga dhacay qaraxyo dhowr ah.

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *