Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

 Gudoomoyihii degamada Badhan ugu magacownaa  Somaliland Cali Xuseen Maxamed ayaa iska casiley xilkaasi.

Gudoomiyaha ayaa  xaqiijiyry iscasilaaddiisa,wuxuuna sababta ku sheegey in la yidhi dagaalan, Wuxuuna intaasi ku daray in ay isku talo yihiin Taliyaashii ciidamada ee iyana iscasiley.

Gudoomiyaha Barlamaanka Puntland Cabdixakiin maxamed axmed (Dhoobo Daareed ) ayaa soo gaadhay  magaalada badhan ee gobolka sanaag halkaas oo uu kula kulmay wasiirka amniga Puntland Cabdisamed Maxamed Gallan iyo Taliyaha ciidanka booliska Puntland Janaraal Muxiyadiin oo horay ugu sugnaa.

Sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Dhoobo Daareed ayaa Xalay magaalada Badhan kula kulmay Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud Cali shire, waxayna ka wada hadleen Xaaladaha kasoo Cusboonaaday Gobolka.

Sawir Hore / Gudoomiyihii Badhan ee Iska Casilay Xilkii uu ka hayey Somaliland
Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo la kulmay Suldaanka
Taliyaha iyo Wasiirka Amniga / oo soo dhoweeyay Gudoomiyaha

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *