Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

DFS oo Jen. Odowaa Ka dhigtay Taliyaha Ciidanka Xooga iyo Fahad Yaasiin oo NISA la Wareegay

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa goor dhow magacaabay Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka sida, iyadoo si buuxda Taliyaha NISA loogu magacaabay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo muddo 10 bilood ahaa sii haye.

Sidoo kale Golaha Wasiirada ayaa Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka u magacaabay Jen. Odawaa Yuusuf Raagge, iyadoo xilkaas laga qaaday Jen. Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe.

Taliyaha Booliska ayaa loo magacaabay Cabdi Xasan Xijaar oo ahaa Taliye kuxigeenka Ciidanka xoogga dalka, waxaana xilka taliyaha Booliska laga qaaday Jen, Bashiir Cabdi.

Sidoo kale waxaa Taliyaha Ciidanka Asluubta loo magacaabay Jen. Mahad C/raxmaan oo horay u ahaa Taliyaha Booliska Koofur Galbeed, waxaana xilka Taliyaha Asluubta laga qaaday Jen. Bashiir Goobe.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *