Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

raiisal wasaare cumar cabdirashiid oo booqday gobolka hiiraan

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke iyo wafdi uu horkacayo ayaa goor-dhaweyd ka dagay garoonka diyaaradaha Magaalada Beledweye ee xarunta Gobolka Hiiraan. Sharmaโ€™arke, ayaa waxaa socdaalkiisaan ku wehlinayay xubno ay ka mid yihiin; Wasiirka Warfaafinta, Maxamed Cabdi Xayir [Maareeye], Wasiirka Dhallinyarrada iyo Cayaaraha, Maxamed C/llaahi Xasan Nuux, Taliyaha Hay’adada Nabad-sugida, Jen. C/raxmaan Tuur-Yare iyo Xildhibaanno ka tirsan Baalamaanka Federaalka Soomaaliya. Wafdiga ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Baladewyne kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiinta maamulka heer gobol iyo heer degmo, wasiirka arrimaha gudaha iyo wasiirka batroolka oo maalmihii lasoo dhaafnayba ku sugnaa Baladweyne iyo saraakiisha ciidanka Dowladda FS iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM. RW Somalia iyo wafdigiisa ayaa loo qaaday dhanka xarunta maamulka gobolka, halkaasoo ay xilligaan wada-hadallo kula leeyihiin mas’uuliyiinta gobolka Hiiraan. Socdaalka RW Somalia iyo wafdigiisa ayaa kusoo beegmaya xilli degmada Beledweyne ay horay u sii joogeen wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Somalia C/raxmaan Maxamed Xuseen [Odawaa], Wasiirka Batroolka Maxamed Mukhtaar Ibraahim iyo oday-dhaqameed uu Hor-kacayo, Imaam Max’uud Imaam Yuusuf, waxaana la filayaa wafuudan kala duwan inay kulammo la yeeshaan duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan oo ay kala hadli doonaan arrinta ku saabsan qorshaha dhismaha maamulka labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *