Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

xoghayaha guud ee ururka igad oo kulan la qaatay madaxweynaha Puntland magaalada garoowe

Madaxda urur  Goboleedka Igad ayaa ku tilmaamay arrin weyn oo aad u mudan in loogu hambalyeeyo Dowladda Puntland Dagaalkii ay ku soo afjareen kooxdii ka tirsaneyd Alshabaab ee timid Xeebaha dhaca gobolada Mudug iyo Nugaal ee Puntland.

Xoghayaha guud ee urur gobaleedka IGAD Maxbuub Macalin ayaa sheegay in Puntland ay ku bogaadinayaan guushii ay ka gaareen Alshabaab, ayna ka urur goboleed ahaan ku taageersan yihiin talaabada ay qaadeen.

Waxa uu sheegay guul  kasta oo laga gaaro Alshabaab ay tahay mid ay u arkaan aduunyadu horumar weyn islamarkaana soo dhaweyn mudan looguna hambalyeeyo  dhamaan  madaxda ,shacabka iyo ciidamad Puntland.

“Waa  guulweyn wadamada Africa iyo Aduunka oo dhan alshabaab waxa ay u geysteen dhibaato badan, wax alla wixii natiijo ah oo laga gaaro waa sheey aan horumar u aragno laguna tahniyadeeyo Puntland” sidaasi waxaa yiri Xoghayaha Urur goboleedka igad …

Hadalkan waxa uu sheegay Maxbuub Macalin xili uu ka hadlayay dhamaadka shir dhexmaray isaga iyo madaxweynaha dowladda Puntland C/wali Maxamed Cali gaas kaas oo ka dhacay maanta Madaxtooyada Puntland ee Garoowe.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *