Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

ABWAAN SANGUB oo ku Geeriyooday Addis Ababa iyo Wararkii u danbeeyay

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa sheegaya inuu halkaasi ku geeriyooday Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise Singub.

Abwaanka ayaa la xaqiijiyay inuu ku geeriyooday isbitaal ku yaala magaalada Addis Ababa ee caasimada Dalka Ethiopia.

Abwaanka ayaa waxaa la sheegay in maalmihii la soo dhaafay uu ku xanuunsanayay gudaha Magaalada Addis Ababa,isla markaana saakay uu ugu geeriyooday xanaankaasi haayay.

Abwaan Xersi Dhuux oo kamid ah golaha abwaanada Soomaaliyeed ayaa xaqiijiyay geerida Abwaan Sangub.

Marar badan ayaa baraha Bulshada lagu faafiyay macluumaadka la xiriira geerida Abwaan Singub, balse waxaa maanta xaqiijiyay Abwaan Xersi Dhuux.

Alle ha u naxariistee Abwaan Sangub , Wuxuu kamid ahaa Tiirarka  ay ku taagan tahay Suugaanta Soomaalidu, Wuxuuna mudooyinkii dambe ku sugnaa  magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *