Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

adaxtooyadda Somalia oo Jawaab kulul ka bixisay Hadalkii kasoo yeedhay Cumar C.rashiid

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa Jawaab kulul ka bixisay Hadalkii kasoo yeedhay Cumar C.rashiid Cali Sharma’arke Raysal wasaarihii Hore ee dalka, oo sheegay inuu Jiro Kulan dhexmari doona Madaxda Soomaaliya, Eletariya iyo Itoobiya oo lagu go’aamin doono Arimo Xasaasi ah iyo Iskaashi dhinaca Amniga ah.

Cabdirashiid Maxamed Xaashi Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa sheegay inay tahay Nasiib darro, aan waxba ka jirin, Wuxuuna Cumar C.rashiid ku dhaliilay Gudasho la’aanta Xilkii loo doortay, oo Isaguah Sanator aqalka sare hadana aan Hal maalin soo Xaadirin Fadhiga Baarlamaanka.

Wararka sheegaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu barri safar u yahay ka qeyb galka shir la sheegay in uu ku saabsan yahay heshiis amni oo heer gobol ah waa mid been abuur ah oo aan jirin.

Safarrada shaqo ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda waa kuwo daahfuran oo xogtooda ay si dhammeystiran u soo gudbiyaan Warbaahinta Soomaaliyeed.

Waxaa nasiib darro ah in Madax xilal muhiim ah ka soo qabtay dalka ay ku jaahwareeriyaan shacabka Soomaaliyeed xog aan sugnayn, iyaga oo uga gol leh dano siyaasadeed oo gaar ah, halka ay ahayd in ay ka soo dhalaalaan waajibaadka Qaran ee horyaallay 4-tii Sano ee la soo dhaafay.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *