Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Akhriso: Puntland oo ka carootay warbixin UNDSS ka qortay Amniga deegaanadeeda

Xukuumadda Puntland ayaa ka carootay warbixin ay Waaxda Badbaadada iyo Amniga ee Hay’adaha UN-ka ka qortay deegaanada Puntland, taas oo ay ku sheegtay in Amniga deegaanada Puntland uu halis yahay, sidoo kalena ay dalbatay in Amniga Gobalada Sool iyo Sanaag la hoos geeyo Somaliland.

UNDSS ayaa qoraalkan oo ay u dirtay Xafiiska sare ee Qaramada Midoobay ku sheegtay in shaqaalaha Hay’adaha caalamiga ah ee ka howlgalla deegaanada Puntland, gaar ahaan Gobalada Bari, Mudug iyo Nugaal ay ku sugan yihiin khatar weyn, sida beegsida Kooxaha Argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish, aanooyin qabiil, dhac iyo Afduub.

Sidoo kale, UNDSS oo sheegtay inay xogtan ka xigatay Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Puntland Gen. Muxyadiin Gacmey iyo Taliyaha qeybta Gobalka ee Ciidanka ilaalada Hay’adaha caalamiga ee Puntland (SPU) Saxardiid Maxamed Axmed Colow, ayaa soo jeedisay in ilaalada Hay’adaha caalamiga ah ee ka howlgalaya Gobalka Sanaag la hoos-geeyo Maamulka Somaliland.

Madaxtooyadda Puntland oo qoraalkan si hoose u heshay ayaa ka carootay warbixinta UNDSS. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Madaxtooyada Garoowe kula kulmay 6-May, Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobey ee Puntland Guy Griffin, ayaana ka dalbaday inay UNDSS soo cadeyso xaqiiqooyinka ay ku saleysay warbixinteeda.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *