Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Akhriso War-murtiyeed Laga Soo Saaray Shirka Golaha Iskaashiga Oo Lasoo Gaba-gabeeyay

25 okt 2018 (Puntlandes) Shirka Golaha Iskaashiga Dowlad Gobaleedyada oo 4-tii Maalmood ee ugu dambeysay ka socda Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland, ayaa soo xirmay Saacadihii lasoo dhaafay, Iyadoona laga soo saaray War-murtiyeed.

IMG_0869

War-murtiyeedka kasoo baxay Shirka oo Nuqulo kamid ah ay heshay Warbaahinta Puntlandes  ayaa Golaha Iskaashigu ku sheegeen in Mudadii uu socda Shirkooda ay diirada ku saareen Arrimo ay kamid yihiin Amniga, Siyaasadda iyo Bulshada Dalka, waxaana Goluhu Sheegay in aan Dowladda dhexe lagu aamini karin amniga dalka, Sidaas darteedna ay Dowlad Gobaleedyadu sameystaan Ciidamo isku dhaf ah.

Golaha Iskaashiga ayaa sidoo kale Iclaamiyay Shirweyne Qaran oo Muddo 30 berri Gudaheeda ka qabsoomi doona Magaalada Dhuusa-mareeb ee Caasimadda Dowladda Galmudug, kaas oo ay kasoo qeyb-galayaan Xisbiyadda Dalka, Siyaasiyiinta iyo Ururada Bulshada Rayidka ah, si looga wada arrinsado Xaalada dalka.

Waxaa uu Goluhu ku dhawaaqay Xisbiga Horu-socodka Qaranka, oo ay ku mideysay yihiin Dowlad Gobaleedyada Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug, waxaana si KMG ah loogu doortay Guddoomiyed Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas.

Goluhu waxaa uu baaq u diray Xubnaha Beesha Caalamka ee Daneeya Arrimaha Soomaaliya, sida UN, Urur Gobaleedka IGAD iyo Howl-galka AMISOM in ay si dhow ula socdaan Isbedelada Amniga iyo Siyaasadda Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Golaha Iskaashiga Dowlad Gobaleedyada ayaa Guddoomiye u doortay Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan, Iyagoona ku-xigeen u doortay Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf.

Akhriso War-murtiyeedka

FB_IMG_1540444600892

22

Puntlandes.com

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *