Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Akhriso Wasiiru dowlaha Maaliyadda oo ka hor yimid warqad uu qoray Wasiirka Maaliyadda

17 July 2018 (Puntlandes) Wasiiru dowlaha Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Xayir Ibraahim ayaa ka horjeestay warqad uu qoray Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle, kaasoo ku-simaha Wasaaradda Maaliyadda uu uga dhigay Wasiir kuxigeenka Mr C/llaahi Sheekh Cali Qaloocow, inta uu Wasiirku dalka ka maqan yahay.

440a8a

Wasiir Xayir ayaa qoraal u qoray Xisaabiyaha Guud, Bankiga Dhexe, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo Hanti dhowrka Guud, kuna ogeysiiyay Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku sheegay in aanay sharciga waafaqsaneyn warqada uu qoray Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Beyle.

Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa ku sugan magaalada Brussels ee dalka Belgium, halkaasoo uu kaga qeyb galayo Shirka looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, waxaa warqad uu qoray 13-kii bishan, ka hor inta aanu ka dhoofin dalka waxaa uu ku-sime uga dhigay Wasaaradda Maaliyadda Wasiir kuxigeenka, taasoo awood loogu siiyay saxiixyada iyo socodsiinta howlaha Wasaaradda inta uu Wasiirka dalka ka maqan yahay.

 

Akhriso qoraalka Wasiiru dowlaha Maaliyadda

44a8a1

Puntlandes.com

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *