Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Akhriso:Qoraal ay Ergada Soomaaliya ee Qaramada Midoobay uga hadashay khilaafka badda ee Soomaaliya iyo Kenya

Ergada dowlada Soomaaliya u fadhida Qaramada Midoobay ayaa qoraal ashtako oo ay ku beeninayaan sheegashada dowlada Kenya ee ah inay Soomaaliya xaraasheyso badda ay labada dowladood ku muransan yihiin u gudbisay Golaha joogtada ah ee Qaramada Midoobay.

Qoraalkan ay ergada gudbisay ayaa ku taariiqeysnayd 5ta bishan March 2019 oo ku beegneyd maalintii uu Madaxweyne Farmaajo booqashada ku tegey magaalada Addis Ababa ee dalka Kenya.

“Dowlada Soomaaliya marnaba ma iibgeyn mana xaraashin dhul badeed aysan lahayn waxayna dowlada Soomaaliya sugeysaa natiijada ka soo baxda dacwada hortaal Maxkamada Caalamiga ah ee ICJ taasoo la rajeynayo in ay go’aan ka gaarto sanadka 2020ka khilaafka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.”ayaa lagu yiri qoraalkan.

Sidoo kale Qoraalkan ayaa ergadu waxa ay ku sheegeen in dowlada Soomaaliya ay u xaqiijisay dowlada Kenya 25kii Febraayo 2019 inaysan dowlada Soomaaliya aysan iibgeyn ama xaraashin dhul badeedka ay dacwadoodu taal Soomaaliya iyo Kenya.

Inkastoo warqadan loo gudbiyay guddiga joogtada ah ee Qaramada Midoobay ayaa hase ahaatee waxaa soo baxay warar sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu aqbalay in wadahadal laga galo khilaafka badda ee u dhexeeya labada dal.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *