Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

alaabta wax lagu qarxiyo iyo raggii watey ayey ciidamada amniga puntland gacanta ku dhigeen

Ciidamada dawlada Puntland ayaa gacanta ku dhigay gaari ay saarnaayeen waxyaabaha qarxa iyo raggii watay, kuwaas oo la doonayay in lagu bartilmaameedsado xarumo ku yaala magaalada Bosaso.

Ragga lagu qabtay walxaha qarxa ayaa tiradoodu ay gaaraysaa 5 qof, waxaana arrintan ay timi ka dib markii ay Sirdoonka Puntland heleen Xog ku saabsan qaraxa, ka dibna ay sameeyen hawlgalo dhacay.

Laamaha amniga ayaa Warbaahinta kula hadlaya magaalada Boosaaso, waxayna ka Xogwaramayaan natiijada hawlgalka, iyadoo la filayo inay xog ka bixiyaan Kooxda ka dambaysa qaraxyadan, maadama ay Puntland dagaal kula jirto Kooxaha Daacish iyo Shabaab.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *