Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

alla ha u naxariistee xildhibaan daahir geele oo lagu aasay magaalada garoowe

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maanta 23 Nevember 2016 ka qayb galay aas qaran oo magaalada Garoowe loogu sameeyey Illaahay ha’u naxariistee  xildhibaan Daahir Xaaji Geelle oo ka mid ahaa xidhibaanada aqalka hoose ee baarlamaanka soomaaliya,

Aaska qaran ee loo sameeyey saaka Illahay ha’u naxariitee xildhibaan Daahir Xaahi Geelle ayaa waxaa Madaxweyanah ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey, gudoomiyaha baarlamaanka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, masuuliyiin ka tirsan golayaasha Dawladda Puntland, xubno ka tirasan aqalka odayaasha ee dawladda faderalka Soomaaliya, xildhinaabo kamida Dawladda fadaralka Soomaaliya, madax dhaqameedyo  iyo dadweyne kale oo tiro badan.

Ugu horayn Madaxweyanha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa u tacsiyeeyey qayskii, qaraabadii iyo qarankii uu ka baxay xildhibaan Daahir Xaaji Geelle isagoona Illahay uga baryey in uu u naxariisto denbigiisana dhaafo, qabrigana u waasiciyo.

“Inaalilaahi wa inaa illayhi raajucuun waxaan halka isugu nimi aaska marxuun Daahir Xaaji Geelle oo runtii ahaa xildhibaan Dawladda fadaraalka  u meteli jirey Puntland in mudo ah aadna loo yaqaaney wanaagiisa, anaguna si dhaw ayaanu isugu dhoweyn oo aanu saaxiib u ahayn, wuxuu ahaa wasiir kamida golahaygii xukuumada markii aan ahaa Ra’iisul wasaaraha Soomaliya, Illaahay ha’u naxariisto illahay meel uga wanaagsan ifka hageeyo, waxaana Illahay uga rajaynaynaa in uu udenbi dhaafo una naxariisto, sigaara waxaan ugu tacsiyadaynayaa qoyskii iyo qaraabadii uu ka tegey iyo dhamaan u mada soomaaliyeed gaar ahaan Puntland” ayuu yidhi madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ugu danbayn, aaska qaranka ee maanta loo sameeyey Illaahay ha’u naxariistee Xildhibaan daahir Xaaji Geele ayaa ahaa aas Qaran oo ay si weyn ugu soo qayb galeen dhamaan golayaasha dowladda Puntland iyo shacabka reer Puntland ee ku dhaqan magaalada Garoowe ee caasimada Dawllada Puntland.((( PUNTLAN

 

img_0879img_0882img_0888

img_0960img_0972
img_0985

img_1002img_1005

img_1090

img_1137img_1151img_1163img_1164img_1170img_1173img_1176img_1183img_1186img_1195img_1203img_1223img_1242img_1264img_1267img_1273img_1293img_1297img_1301img_1304

Puntlandes.com

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *