Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

alshabaab oo magaalada mandheera ee dalka kiiniya ku dishey askar

Al-Shabaab ayaa jidka u galay kolonyo ay la socdeen ciidamada Kenya oo marayay deegaan ku dhow degmada Mandhera ee gobolka waqooyi Bari Kenya.

Weerarka ayaa ka dambeeyay markii Ciidamo Booliis oo sugayay amniga gaari rakaab ah oo ku safrayey inta u dhaxeysa Ceel-Waaq iyo Mandhera.

Al-Shabaab ayaa la sheegay in gantaal kuwa garbaha laga tuuro ku riday gaariga ay la socdeen ciidamada booliska.

Dadka deegaanka Dimu ayaa xaqiijiyay in weerarka ahaa mid xoogan oo muddo ka socday agagaarka deegaanka.

Guddoomiyaha degmada  Mandheera Cali Rooba ayaa xaqiijiyay geerida 5 sarkaal ee ka tirsan ciidanka boliiska dalka Kenya.

Ma ahan markii u horeysay ee Al-Shabaab weerar ka fuliyaan agagaarka Mandhera, waxaa horay Al-Shabaab weeraro ay ka geysteen halkaas ku dileen askar iyo dadka kaawada qoda

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *