Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

aqxooti badan oo ku jira xeryaha dhadhaab ayaa ogolaaday iney si xoriyad ah somaliya dib ugu laabtaan

UNHCR ayaa sheegtay in 26,819 qaxootiga Dhadhaab ka tirsan ay xaqiijiyeen inay si iskood ah ugu laabtaan Soomaaliya ayagoon la qasbin.

Dadkaa ayaa haatan waxay sugayaan in laga caawiyo laabashada. War shalay Axadii ay heyadaasi soo saartay ayaa sheegay in ayadoo kaashaneysa dawlada Kenya la xaqiijin doono sidii qaxootigaa loo celin lahaa.

Kenya ayaa shaacisay in bisha soo socota ay xiri doonto xeryaha Dhadhaab. Dawlada Kenya ayaa sheegtay in qaxootigu ku hayo ammaan darro.

Haatan ayaa kolonyo gawaari ah oo qaadi jiray qaxootiga noqonaaya la joojiyay oo aysan qaxootiga Soomaaliya u celin intii ugu dambeysay ee la ceshana diyaarado ayaa qaaday.

Sidoo kale arimo amniga la xiriira daraadood ayaa diyaarado lagu geyn jiray garoonka Muqdisho loo joojiyay laakiin waxaa la filayaa in la fasaxo dhawaan markii ammaanku soo hagaago, sida laga soo xigtay UNHCR.

Warkaan kasoo baxay UNHCR ayaa yimid maalmo kadib markii hayada dhaqaatiirta aan xaduuda lahayn ee MSF ay sheegtay in badi qaxootigu aysan dooneyn in laga kaxeeyo Dhadhaab oo Soomaaliya ay aadaan.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *