Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

ATAR oo Maaliyiin Dollar ugu deeqday Deyn Cafinta Somalia iyo Ballan Qaad kale oo Cusub

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibedda Qatar Sheikh Mohamed bin Abdulrahman Al Thani, ayaa ballan-qaaday in Qatar ay sii wadi doonto inay taageere weyn u ahaato Soomaaliya, Wuxuuna xusay inay ka qayb ka qaadan doonaan  Qorshaha horumarinta dowladda Soomaaliya, ayada oo lala kaashanayo Bankiga Adduunka iyo QM.

“Dowladda Qatar waxay dhowaan Soomaaliya siisay 25 milyan oo dollar oo caawimaad ah, si ay ugu bixiso yareynta deynta Bankiga Adduunka” ayuu yiri Al-Thani.

Wasiirka arrimaha dibedda Qatar ayaa sheegay in Qatar ay sidoo kale taageeri doonto horumarka amniga Soomaaliya, barnaamijyada lagu xoojinayo dhaqaalaha, mashrcuuyada dib u heshiisiinta, iyo in shaqo loo abuuro dhallinarada.

Sheikh Mohamed bin Abdulrahman Al Thani, ayaa hadalkan ka sheegay kulanka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee ururuka Iskaashiga Islaamka, oo Qatar ay marti-gelisay, halkaas oo uu ka jeediyey khudbaddii furitaanka.

Kulanka Doha ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb-galay mas’uuliyiin sare oo ay ka mid yihiin wasiirka arrimaha dibedda Turkey Mevlut Cavusoglu, wasiirka arrimaha dibedda Azerbaijan Elmar Mammadyarov, wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo xubno kale.

Wasiirka arrimaha dibedda Qatar, ayaa ku baaqay in lasii wado dadaallada lagu soo geba-gebeynayo dhismaha tiirka dimoqraadiyadda Soomaaliya, islamarkaana doorashada Soomaaliya ee 2021 lagu qabto waqtigeeda.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa uga mahad celiyey Qatar inay marti-gelisay kulanka Kooxda Xiriirka Soomaaliya iyo “taageerada joogtada ah ee ay siiso” Soomaaliya.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *