Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

axmed ducale (xaaf) ayaa loo doortay madaxweynaha galmudug(magaalada Cadaado)

Axmed Ducaale Geelle Madaxweynaha cusub ee Galmudug waxaa ku dhashay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, 8-dii bishii July sanadkii 1949-kii, iyadoo Dugsiga Hoose/Dhexe uu ku soo qaatay magaaladaasi, intii u dhaxeysay 1958-1965-kii. Sidoo kale Qur’aanka Kariimka ayuu ku xifdiyay isla magaaladaasi.

Dugsiga Sare, ayuu kaga baxay Iskuulka Jamaal C/naasir ee Magaalada Muqdisho intii u dhaxeysay 1966-1970-kii. Jaamacadda Umadda, Kulliyada Dhaqaalaha ayuu kaga baxay intii u dhaxeysay 1972-1976-kii.

Intii uu dhiganaayay Jaamacadda Umadda, ayuu ka shaqo billaabay Bankiga Dhexe Somaliya, isagoona ka soo shaqeeyay intii u dhaxeysay 1975-1979-kii.

Dhanka ganacsiga, ayuu u wareegay 1979-kii, iyadoona uu ku soo jiray illaa 1999-kii. Wuxuu noqday aasaasihii iyo hawlgeliyihii Garoonka Nambar Konton ee Gobolka Shabellaha Hoose, intii u dhaxeysay 1992-2011-kii.

Sidoo kale waa aasaasihii iyo hawlgeliyihii diyaaraddii ugu horeysay ee ka hawlgasha Somaliya (Daallo Airlines), wixii ka dambeeyay burburka Dowladdii Dhexe Militariga.

Sanadkii 2000, ayuu ku biiray saaxadda siyaasadda dalka, iyadoo uu ka mid noqday Xildhibaanada Baarlamaankii Carta lagu soo dhisay, waxaana uu Xildhibaan soo ahaa illaa 2016-kii.

Waxaa la xusuustaa gacantii uu ku lahaa fududaynta ergooyinkii Somaliyeed ee ka qaybgashay Shirkii Magaalada Carta ee Wadanka Jabuuti, laguna soo doortay Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Mudadii burburka, ayuu la soo shaqeeyay qaar ka mid ah Hay’adaha Qaramada Midoobe sida, WFP, Save Children, FAO iyo ACRC.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *