Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Axmed Madoobe oo magacaabay Labadiisa ku xigeen [Akhriso]

Madaxwaynaha maamul goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa maanta magaacabay madaxweyne ku xigeenada koowaad iyo labaad ee maamulka Jubbaland.

Wareegto ka soo baxday xafiiska  Axmed Madoobe ayaa waxaa ku xigeenkiisa koowaad uu ugu magacaabay, Maxamuud Sayid Aadan oo horay u hayey xilkaasi.

Sidoo kale waxa uu ku xigeenkiisa labaad u magacaabay, Cabduqaadir Xaaji Maxamed (Lugadheere)  oo isna horay u hayey jagadaasi.

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa u rajeeyey labada ku xigeen ee Mar kale uu magacaabay  in uu alle u fududeeyo xilalkaasi.

Arrintan ayaa ka dhigay in wax isbedal ah uusan ku imaan hoggaanka Jubbaland, marka loo fiiro saddexda qof ee ugu sarreeya maamulkaasi oo markale dib u soo laabtay, Iyadoona Dawladda Soomaaliya ay ku gacan saydhay Doorashadii Axmed Madoobe.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *