Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Axmed Madoobiya oo sii daayay Xildhibaankii uu ka qaaday xasaanada ee ku xirnaa Kismaayo

05 Feb 2018 (Puntlandes) Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in xalay la sii daayay Xildhibaankii xasaanada ay ka qaadeen Baarlamaanka Jubbaland oo lagu magacaabayay Axmed Xasan Cabdi (Axmed Taajir).

44

Axmed Taajir ayaa muddo shan cisho ku xirnaa xabsiga Kismaayo, kaasoo lagu eedeeyay inuu ku xadgudbay xeerarka u yaala Baarlamaanka Jubbaland, kaddib markii uu mooshin ka keenay Golaha Wasiirada Jubbaland.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu sii daayay Xildhibaanka xasaanada laga qaaday, iyadoo intii uu xabsiga ku jiray ay xaalado kacsanaan ka jireen magaalada Kismaayo.

Maleeshiyaad ku heyb ahaa Xildhibaanka xirnaa ayaa maalmihii la soo dhaafay dhaq dhaqaaq ka waday qeybo ka mid ah magaalada Kismaayo, iyagoo ka gadoodsanaa xariga lagula kacay Xildhibaankooda.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Safiirka UK u fadhiya Soomaaliya David Concar uu ka dalbaday Madaxweynaha Jubbaland inuu sii daayo, iyadoo Xldhibaankan uu heystay dhalashada Ingiriiska.

Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland ayaa todobaadkii hore mooshin ka dhana ah Golaha Wasiirada ka gudbiyay, waxaana jawaabta mooshinkaas ay noqotay in Xildhibaanadii waday loo hanjabo.

Masaafurin Xildhibaan ama qofkii dhaliila maamulka Axmed Madoobe

Maamulka Jubbaland oo uu hoggaamiyo Axmed Madoobe ayaa gacan bir ku haya magaalada Kismaayo, iyadoo aanay jirin cid ka hor imaan karta maamulkiisa shacab iyo Xildhibaan midna, waxaana xildhibaano horay uga hor-yimid maamulkiisa laga qaaday xasaanada, isla markaana laga musaafuriyay Kismaayo waxaa kaloo laga masaafuriyey Kismaayo Isimo iyo waxgarad dhaliilay maamulka Axmed Madoobe iyadoo dhamaantood loo masaafuriyey magaalaga Muqdisho.

Puntlandes.com

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *