Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

baaritaan dheer ka dib ayaa la ogolaaday in ay iman karaan maraykanka qaxootiga dalalkii horay looga joojiyey

       Qaar ka mid ah madaxda Dowladda Mareykanka ayaa sheegay in la qaaday mamnuucistii dadka qaxootiga ah ee ka socda 11 dal oo halistooda badan tahay in ay galaan Mareykanka.

Xoghayaha amniga gudaha Maraykan Kirstjen Nielsen ayaa sheegtay in qaxootiga ay mari doonaan baaritaan adag oo la xiriira heerka halista.

Dalalkii  wareegtada Madaxweyne Donald Trump ka joojisay in dadkooda ay galaan Mareykanka ayaa kala ah Masar, Iran, Iraq, Libya, Mali, North Korea, Somalia, South Sudan, Sudan, Syria iyo Yemen, kuwaas oo hadda la oggolaaday in ay geli karaan Mareykanka.

Donald Trump oo xayiraadii la saaray dalalkan abaabulkeeda lahaa ayaa horey u yiri “Madaxweyne ahaan, waa inaan u dhaq dhaqaaqaa ilaalinta amniga iyo danaha Mareykanka iyo dadkiisa, ilaalinta amniga waa mudnaanta koowaad, si taasi loo gaaro waa in uu yimaadaa isbedel” ayuu lagu yiri warka ka soo baxay Donald Trump.

Golaha Xiriirka Muslimiinta Mareykanka ee loo soo gaabiyo (CAIR), Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Mareykanka, iyo ururada bulshada ayaa si aad ah u soo dhaweeyay go’aankan, waxayna sheegeen Trump inuu ka laabtay qeyb ka mid ah ajandayaashiisa foosha xun.

Dadka sida aadka ah u falanqeeya ayaa arrintan ku tilmaamay in Aqalka Cad uu ogaanayay amarka Trump inuu dhaqan geli karo oo loo hogaansami karo iyo inuu Trump ka lahaa ujeedo ah inuu isbedel la yimaado

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *