Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Baarlamaanka oo go’aan ka gaadhay Sharciga Batroolka Dalka

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay kulankoodii 16aad kal-fadhigiisa 5aad ku yeesheen Xaruntooda Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Kulanka Golaha ee Maanta ayaa waxaa soo xaadiray 154 Xildhibaan,waxaana ay ansixiyeen Xeerka Batroolka dalka oo ay muran horay uga keeneen Maamul goboleedyada dalka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa codeyn gacan taag ah waxa ay ku ansixiyeen Xeerka Batroolka,150 mudane ayaa ogolaatay ansixinta Xeerkaas,waxaana diiday 4 mudane,waxana jirin Xildhibaan ka aamusay.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa haatan waxaa ay siweyn uga doodayaan Sharciga lagu dhisayo Guddiga la dagaalanka musuq maasuqa.

Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka ka jira ayaa sharcigaan Batroolka horay u diiday, iyaga oo sheegay in aan wadatashi lagala yeelan,isla markaana Xukuumadda Soomaaliya ay ku tagri fashay.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *