Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

baarlamaanka oo mooshin ay kaga soo horjeedaan qaabka loo dhisayo ciidamada oo ayey gudbiyeen

golaha_logoGuddiga Difaaca Baarlamaanka Federaalka ayaa Mooshin ka gudbiyay Hannaanka loo dhisayo Ciidamada Qaranka, waxayna ka soo horjeeda qaabka la doonayo Ciidamada in lagu dhiso.

Wasiirkii hore ee Gaashandhigga hadana ah Guddoomiyaha Guddiga Difaaca Baarlamaanka Soomaaliya, Xuseen Carab Ciise ayaa sheegay in dhismaha Ciidamada aanay aheyn isku dhafkii la rabay, ayna u muuqdaan mid muujineysa qaab lagu dhisayo Ciidamo Goboleedyo.

Xildhibaan Xuseen Carab, wuxuu inta ku darray Guddiga Difaaca Baarlamaanka inay diidan yihiin wax walba oo hoos u dhigaya awooda Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya.

Guddiga Difaaca ayaa gudbiyay Mooshinkan xilli ay socdaan dadaallada lagu raadinayo in lugu dhiso Ciidamo Millateri ah, kuwaas oo noqon doona Ciidamada Xoogga dalka.

Dowladda Federaalka iyo Guddoonka Baarlamaanka weli kama aysan hadlin Mooshinka ay ku diidan yihiin Guddiga Difaaca Baarlamaanka hannaanka lagu dhisayo Ciidamada Xoogga dalka.

Sidoo kale  Qaar ka mid ah wasiiradii Dowladdii uu Xasan Sheekh Hogaaminayey ayaa ina bilaabey iney eedayn ay kaga soo horjeedaan dhismaha ciidamada Saxaafaada Qaybaheeda Kala duwan u isticmaalay .Arimahan oo u muuqda iney jiraan dad somaliyeed oo jecel inaa ciidan somaliyeed la dhisin si dalku uu weligii gacan dalalke ugu jiro

 

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *