Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

BAARLAMANKA PUNTLAND OO COD KU KALA SAARAY XUBNO LAGU HESHIIN WAAYAY.

Baarlamanka Puntland ayaa saaka cod qarsoodi ah u qaaday, xubno u tartamay  guddiga joogtada ah ee Golaha wakiilada Puntland ee matalaya gobolada Bari iyo Nugaal, kuwaasoo oo lagu kala bixi waayay.

Kuraasta loo codeeyay ayaa mid walba waxa isu’ soo taagay 2 xildhibaan oo doonaya xubinnimada guddiga joogtada ah, hase yeeshee isu’ tanaasuli waayay.

Gobolka Nugaal oo laba xubnood ku leh guddiga joogtada ah ee Baarlamanka, ayaa waxaa kursi kamid ah ku tartamay,Aweys Axmed Sardheeye iyo Cabdiqani Abshir Jaamac,waxaana xubinta ku guulaystay Cabdiqani Abshir Jaamac, kadib cod qarsoodi ah oo loo qaaday.

Xubinta labaad ee guddiga joogtada u matalaysa gobolka Nugaal oo iyadana lagu heshiin waayay ayaa waxaa ku tartamay, Fu’aad Abshir Axmed iyo Cabdullaahi Siciid Jaamac, waxaana ku guulaystay Fu’aad Abshir Axmed.

Gobolka Bari oo afar xubnood ku leh guddiga joogtada ah, ayaa xubin kamid ah oo lagu heshiin wayay, waxaa ku tartamay, Jaamac Yaasiin Jaamac iyo Bashiir Askar Xuseen, waxaana ku guulaystay Jaamac yaasiin Jaaamac, kadib markii cod qarsoodi ah loo qaaday.

Dhinaca kale, xubnaha aan muranka ah gelin  ee guddiga joogtada Golaha wakiilada ayaa cod gacan-taag ah lagu ansixiyay. Guddiga joogtada ah waxaa ka soo dhex muqatay gabadha keliyah ee Baarlamanka ku jirta Nimco Cabdi Caarshe.

Fadhiga saaka waxaa soo xaadiray 63 mudane halka saddex xildhibaan oo kale ay fasax ku maqnaayeen waxaana isla maanta la soo saarayaa liiska buuxa ee guddiga joogtada ah.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *