Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

banaanbax aad u weyn ayaa ka dhacay magaalada garoowe caasimadda dowladda puntland

Banaan baxyo is daba jooga ayaa beryahan ka socday magaalooyinka waaweyn ee dowlad goboleedka puntland .sidoo kale Boqolaal Dibadbaxayaal ah ayaa isugu soo baxay Barxada weyn ee magaalada Garoowe caasumada Puntland, si ay u muujiyaan taageerada ay u hayaan Ciidamada Difaaca ee dawladda Puntland, waxayna ku dhawaaqayeen Erayo ay ku taageerayaan howlgalada ciidamada dawladda ee kasocda gobalada Sanaag & Haylaan.

Dadweynuhu waxay ku dhawaaqayaan in ay ka soo horjeedaan falalka daan-daansiga gardarada ah ee ay Soomaliland ku hayso deegaanada Puntland, gaar ahaana gobalada Haylaan & Sanaag oo uu dhawaan ka dhacay dagaal u dhaxeeya ciidamada Difaaca & kuwa Somaliland.

Erayo lagu muujinayo sida ay Shacabka Puntland u garab taagan yihiin ciidamadooda Difaaca & Dawladda ayaa ka socda Barxada weyn ee Garoowe, iyadoo ay ka qeybgalayaan oo ay dadka la hadli doonaan qaar kamid ah xubnaha dawladda ee heer degmada ama Gobal.

LA SOCO FAAHFAAHINTA

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *