Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

banaanbax ay ku baaqeen odayaasha isbaaradu u taalo muqdhisho oo ka dhacay xamar

banan-bax-banaadir-1 Banaan bax ballaaran oo ay ka qeyb galaan boqolaal shacab oo ay hogaaminayaan Madaxda Maamulka Gobolka Banaadir,odayaasha ay isbaaradu u taalo muqdisho  Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka iyo siyaasiyiin ayaa saaka ka dhacay Fagaaraha Daljirka Dahsoon, waxaana banaan baxan lagu dalbanayay in Gobolka Banaadir uu hesho xuquuqda ay ku leedahay Aqalka sare ee Baarlamaanka.

Dibad baxan oo ah kii ugu ballaarnaa ayaa dadweynaha ka qeyb galay oo watay halku dhigyo kala duwan oo lagu dalbanayay xuquuqda Gobolka Banaadir ayaa waxaa ay socod ku mareen Daljirka dahsoon illaa xarunta Baarlamaanka oo uu shir uga socdo Xildhibaanada Baarlamaanka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay inay dalbanayaan inay helaan xuquuqdii dadka Gobolka Banaadir, iyagoo ka wakiil ah, isagoo xusay in saddexda milyan oo gobolka degan ay ka maqan tahay xuquuqdooda, waxaana uu ugu baaqay Baarlamaanka in xuquuqda gobolka banaadir in la helo.

Xildhibaan Ducaale oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa sheegay in Gobolka Banaadir ay tahay Caasimada dalka, isla markaana ay lagama maarmaan tahay in xuquuqdiisa helo.

Banaan baxan ayaa ahaa mid lagu cadaadinayo Baarlamaanka sidii loo heli lahaa xuquuqda ka maqan Gobolka Banaadir, kadib go’aamadii ka soo baxay Madasha wadatashiga qaran ay dhigeysa in gobolada kale ay qeybsadeen kuraasta aqalka sare, halka Gobolka Banaadir laga tagay.

Odayaal shir ku yeeshay magaalada muqdisho ayaa horay u sheegay inay banana baxan samayndoonaan,iyaga oo weliba raaciyey inaa muqdisho la joogeyn haddan wax dheeraada la siinin.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *