Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Beesha Caalamka oo hadashay Kulankii DF Soomaaliya iyo Mucaaridka iyo Arinta Doorashada

Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka oo goordhaweyd qoraal soo saaray ayaa soo dhaweeyey wada hadallada ay dowladda iyo mucaaradka yeesheen iyaga oo ku baaqay in si degdeg ah loo qabto shirkii doorashada.

Qoraal kasoo baxay ayaa lagu yidhi sidan:

“Saxiibada Soomaaliya, waxay soo dhoweynayaan sii socoshada wadahadalada 1dii Maarso ee u dhaxeeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Golaha Musharaxiinta Madaxweynaha.

Kadib shirkii guusha kusoo dhammaaday ee 25kii Febraayo, saaxiibadu waxay ka codsanayaan Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Murashaxiinta Madaxweynaha inay ku tallaabsadaan horumar hor leh.

Waxaan sidoo kale ku boorineynaa madaxda DF Soomaaliya iyo DGXF inay qabtaan shir-madexeedkii la qorsheeyay maalmaha soo socda si loo xaqiijiyo qorsheyaasha fulinta ee heshiiskii 17kii Sebtember, loona soo gabagabeeyo dib u eegista soo-jeedintii Guddiga Farsamada ee 16kii Febraayo si geedi-socodka doorashada uu u bilaawdo iyadoo aanay jirin dib u dhac dambe.”

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *