Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

booliska gobolka sanaag ayaa lagu wareejiyey qalabka xafiisyada lagaga shaqeeyo

sanagWasaarada Amniga ee gobolka Sanaag ayaa maanta lagu wareejiyey qalab cusub oo wasaaradaasi ay leedahay waxaana u gudoomaya taliska qaybta booliska gobolka Sanaag.

Munaasanada ay qalabka kula wareegen taliska qaybta Booliska Gobolka Sanaag waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Maxamuud Ciyoon,agaasimaha Qorshaynta ee Wasaaradda amniga Puntland Huruuse Cabdiraxmaan Aadan, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Sanaag Gaashaanle Dhexe Cabdi Faarax Warsame, Xeer Illaaliyaha Gobolka Muuse Aw-Cilmi iyo Mas’uuliyiin kale.

Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Maxamuud Ciyoon ayaa dawlada Puntland uga mahadceliyay qalabka ay gaarsiisay Gobolka Sanaag, wuxuu sheegay in qalabkan uu ku soo beegmay xilli sido kale ay socoto dhismaha Wadada Isku xiraysa Ceeldaahir iyo Ceerigaabo taas oo meel wanaagsan xiligan dhismeheedu uu marayo.

Qalabkan oo ah computero ayaa talisku uu sheegay inuu wax badan uga qaban doono dhanka qorista dacwadaha iyo ducmentiyada ay talisku samaynayaan

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *