Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Cabdixakiin Dhoobo Daareed oo Maanta laga Xayuubiyey Xildhibaanimadii

Baarlamaanka Puntland waxaa maanta la hor keenay mooshiin xasaanad ka qaadis oo ay ku saxiixan yihiin 38 Mudane oo ka dhan ah Xildhibaan Cabdixakiim Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed) oo lagu soo eedeeyey in uu ku xadgudbay DastuurkaMaamulka Puntland.

Fadhiga oo ay soo xaadireen 40 mudane ayaa waxaa ay cod gacan taag 39 mudane xasaanaddii uga qaadeen xildhibaan hore Cabdixakiim Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed) halka Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland uu ka aamusay.

Gudoomiyihii Baarlamaanka ee Horay Xilka looga Qaaday Cabdixakiin DhooboDaareed Kadib Weerarkii ka dhacay Xarunta Baarlamaanka,  ayaa dhowaan gaadhay dalka Itoobiya, Wuxuuna kulamo kala duwan Qaybo kamid ah Gobolka Sanaag kula qaatay Waxgaradka Beesha uu kasoo jeedo.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *