Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

cadowga somalida ee alshabaab ayaa la wareegey degmada ceel buur ka dib markii ay iskaga bexeen ciidamada itoobiya

Al-shabaab ayaa la wareegay gacan ku heynta degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud, kaddib markii ay isaga baxeen Ciidamada Itoobiya.

Sida ay sheegayaan wararka Ciidamada Itoobiya ayaa saaka isaga baxay degmada, iyagoo u ruuqaansaday dhinaca degmada Dhuusa Mareeb ee xarunta Galgaduud.

Guddoomiyaha degmada Ceelbuur Nuur Xasan Guutaale ayaa sheegay in ay halka isaga baxeen ciidamada Itoobiya oo maalmihii ugu danbeeyayba deegaanka ka wadday dhaqdhaqaaqyo militari.

Dagaalyahanada Al-Shabaab oo ku sugnaa meelaha aan sidaa uga fogeyn Ceelbuur ayaa gudaha u soo galay, waxaana degan xaalada degmada.

Sadax sanno ka hor ayeey aheyd markii ciidamada Itoobiya la wareegeen degmada Ceelbuur, oo ah degmo istiraatiiji ah, kana mid aheyd degmooyinkii ay ku xoogganaayeen Al-Shabaab.

Ugu danbeyntii, Ceelbuur ayaa ka mid ah degmooyinka ugu qadiimisan gobolka Galguduud, waxaana ay caan ku tahay wax soo saarka agabka laga qoro dhagxaanta.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *