Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

ciidamada amaanka muqdisho oo qabtay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey

Ciidamada ammaanka ayaa  ku qabtay agagaarka Isgoyska Sayidka gaari walxaha qarxa lagu soo buuxiyey,

Saraakiisha laamaha ammaanka ayaa sheegay in gaarigan ay ku raad-joogeen, ayna hayeen xogtiisa, waxaana saaka la xiray qeyb ka mid ah wadada Maka Al-Mukarama, si ay saraakiisha miino baarista ay u kala fur furaan gaariga qaraxu saarnaa.Had iyo jeer waxay ciidamada amaanka muqdisho ku faanaan iney ogaayeen oo daba socdeen mana sheegaan ciddii ka dambeysey ee soo abaabushey ,

Lama sheegin cid loo qabtay gaarigaas, hase ahaatee goob joogayaal ayaa sheegay in la dhigay meel ku dhow goob ciidamada booliska ku leeyihiin bar koontarool oo ku taala wadada Maka almukarama.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa isa soo tarayay gaadiidka waxyaabaha qarxa sida ee ay ciidamada ammaanka gacanta ku dhigayeen, iyadoo saraakiisha ay sheegeen in la doonayo in shacabka lagu dhibaateeyo.

Maalintii shalay ayay aheyd markii illaa lix ruux ay ku geeriyootay qarax ismiidaamin ah oo lagu qaaday xarunta Ciidanka Taraafikada, waxaana qaraxaas sheegatay inay ka dambeysay kooxda Al-Shabaab

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *