Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

ciidamada amison oo dad laga shakiyey ka soo qabqabta magaalada muqdisho

Ciidamada Amisom ayaa galay Xaafado ka tirsan Degmada Yaaqshiid oo howlgalkaan ballaaran ciidamada ay ka sameeyeen, kadibna ciidanka ayaa soo aruuriyay dhalinyaro badan.

Howlgalka wuxuu biloowday xalay 8:00 Fiidnimo sida uu sheegay Afhayeenka Wasaarada Amniga C/kaamil Macalin Shukri oo la hadlay Warbaahinta Risaala, iyadoo dadkii la soo qabtay ciidamada ay ku sameeyeen kala saarid.

“Xalay 8:00 Fiidnimo ilaa 5:00 Aroornimo ayaa howlgalo ay sameynaayeen Hay’adda Nabad Suggida Qaranka oo ay wehliyeen Ciidanka Amisom, ayaa howlgal waxa ay ka sameeyeen Degmada Yaaqshiid, gaar ahaan Xaafada Coca Cola, halkaasi oo ciidanka ay u aadeen macluumaad ku aadan inay jiraan dad Diyaarinaayay qaraxyo, Meeshaasi waxaa laga soo qabtay dad gaaraya 400 oo ruux, dadkaasi Baaritaan ayaa la mariyay 11 qof ayaa si gooni ah loo soo watay, Baaritaankoodana waa uu socdaa.” Ayuu yiri Afhayeenka Wasaarada Amniga.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *