Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Ciidamada DF oo Cashar la yaab leh u dhigay Alshabaab Weerar Kusoo Qaaday deegaanka BARIIRE

( Kalshaale ) Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed  ayaa  dhirbaaxo adag ku dhuftay Maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab oo Weerar Qorshaysan kusoo qaaday deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha hoose  oo dhowaan laga saaray.

General Odawaa Yuusuf Raagge Taliyaha ciidanka dhulka Xoogga dalka ayaa warbaahinta u sheegay in Ciidamada Dawladdu ay dileen maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab oo tiradoodu kor u dhaafeyso 20 ruux, Kadib markii ay isku dayeen in ay weeraraan saldhig ciidanku ku leeyihiin halkaas.

Ciidamada Dawladda ayaa dhowaan sidan oo kale isaga difaacay  Weerar Alshabaab ka gaysan lahayd Deegaanka Awdheegle, Iyadoo maxaabiis badan looga Qabtay, Wuxuuna taliyaha tilmaamay in hada Maleeshiyaadka ka tirsan Alshabaab isku dayeen in ay weerar gaadmo ah ku qaadaan  Saldhig ciidanku ku lahaayeen duleedka Bariire.

Isbadalka  dhab ah ayaa laga dareemay Mudooyinkii dambe Ciidamada Xooga gaar ahaan Kumaandoosta, Kuwaasi oo muujiyey inay Awood u leeyihiin inay Fuliyaan Howlgalo  ay Qaban kari  waayeen 20-kun oo kamid ah ciidamada AMISOM.

Soomaaliya Soomaali baa leh ,  Iyadaa difaacan ama dayici.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *