Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Ciidamada Etoobiya oo manta soo dhoweyn loogu sameeyey kismaayo

Waxaa madaxweyne ku xigeenka kowaad ee jubbaland janaraal Fartaag ,wasiiro oday dhaqameedyo xubno ka socda ururada bulshada iyo dadweyne fara badan ayaa soo dhoweyn ugu sameeyey Garoonka diyaaradaha ee Magaalada kismaayo Ciidamo iyo Saraakiil ka socda dalka Etoobiya kana mid ah ciidamada Africaankaa ee jooga somaliya ,

Madaxweyna ku xigeenku wuxuu sheegay iney ku faraxsan yihiin madaxda iyo shacaba reer jubbaland ciidamaas yimi jubbaland ,wuxuuna xusay inaaney Kismaayo ahayn goobtii ugu horeeysey ee ciidamada Etoobiya ka howl galaan  balse ay horay u joogeen woqooyiga jubbaland,ayna yihiin ciidanka maanta soo dhoweynta loo samaynayaa qaar ka mid ah kuwii Magaalada Baardheere qabtay.Wuxuuna yiri madaxweyna ku xigeenku in la gaarey wakhtigii la soo af jari lahaa Alshabaabka ku habsadey qaybo ka mid ah gobolada jubbaland kuwaa soo in muddo ahba ka talinayey dhulkaasi.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *