Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

ciidamada nabad sugidda soamliya ayaa qabtay gaari la rabey in lagu qarxiyo huteel

Ciidamada Nabad-sugida ayaa sheegay inay Magaalada Muqdisho ku qabteen gaari waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay oo la doonayay in lagu weeraro Hoteelka Maka Al-Mukarama.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, C/fataax Cumar Xalane ayaa Qaar Warbaahinta ka mid ah ugu sheegay Muqdisho in gaarigan laga soo qabtay dhabarka dambe ee Hotel Maka Al-Mukarama, lana doonayay in Hoteelkaas lagu weeraro.

“Taliyaha Nabad-sugidda Gobolka Banaadir, wuxuu ii sheegay in gaarigan la doonayay in lagu weeraro Hotel Maka Al-Mukarama, shacabka lagu halaago, balse ALLE uu ka badbaadiyay oo ciidamadu ay qabteen,” ayuu yiri Xalane oo la hadlayay Warbaahinta.

Gaarigan ayaa waxaa ku rarnaa waxyaabaha Qarxa, iyadoo sidoo kalena la qabtay qofkii waday, waxaana tani ay imaanaysaa xilli bishii Ramadaanka ay Al-shabaab Qarax la beegsatay Hotel Naasa-Hablood ee Muqdisho.

Sidoo kale, Ma jirto cid sheegatay inay qorshaha Qaraxa gaarigan lagu geysan lahaa ay ka dambeyso, inkastoo Al-shabaab ay horay u sheegatay in ay ka dambeyso Qaraxyo lala beegsaday Hoteellada Muqdisho Qaarkood.

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *