Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

ciidamada puntland iyo diyaarada maraykanka oo iska kaashaday dagaal ka dhacay g/mudug

Ciidamada Puntland iyo diyaaradah Maraykanka ayaa weerar ku qaaday saldhig ay kooxo maleeshiyaad Galmudug  ah iyo alshabaab isku aruursanayeen ,halkaasi oo saddex kiilomitir u jirta duleedka degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Kooxaha la weeraray ayaa la sheegay in ay qorshaynayeen weerar ka dhan ah Puntland ,weerarka oo la sheegaayo in la rabay in dhibaato loogu geysto dadka degan degmada Gaalkacayo

Wararka laga helayo Gaalkacyo ayaa sheegaya in weerarkan uu dhacay xalay saqdii dhexe ,isla markaana la dilay in ka badan 22qof laguna dhaawacay 16 qof sida uu sheegay wasiirka maamulka Galmudug ,sida la sheegayana isugu jira ciidamo ka tirsan galmudug iyo dagaal-yahan oo ka tirsanaa kooxda Shabaab.

Sidoo kale waxaa halkaasi lagu burburiyey Gaadiid   aad u badan oo kuwa dagaalka ah iyo kuwo xamuul oo ay wateen isbahaysigaasi..Dowladda P/land waxa ay sheegeen in ciidamadoodu ay guulo ka soo hooyeen dagaalkaasi.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *