Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

ciidamada puntland oo dhaqdhaqaaq ciidan ka bilaabay magaalada qardala ee gobolka bari

Ciidanka dowladda Puntland ayaa howlgalo kadhan ah kooxda argagixisada ah ee Daacish ka bilaabay degmada Qandala ee gobolka Bari iyo deegaamada hoosyimaada, iyadoona shalay galab duleedka Qandala oo ka dhacay dagaal kooban.

Gudoomiyaha degmada Qandalla Jaamac Maxamed Khuurshe, ayaa sheegay in dagaalkii shalay galab uu ahaa mid kooban ayna rajaynayaan in dhowaan lasoo afmeero dhaqdhaqaaqyada Daacish ee gobolka Bari.

Jaamac Maxamed Khuurshe ayaa sheegay in dagaal kooban uu kadhacay aaga Qandala, wuxuuna si rasmi ah u xaqiijiyey in ciidanka difaaca dowladda Puntland ay dhanka berriga iyo baddaba ka joogaan magaalada Qandala.

Dagaalkaan ayaa kusoo aadaya xilli ay degmada Qandala ka barakeceen dadkii shacabka ahaa ee kunoolaa iyadoona ay dhanka badda ka duqeeyaan maraakiibka dagaalka ee kusugan xeebaha Soomaaliya.

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *