Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Ciidamada Xooga dalka oo si Buuxda ula Wareegay magaalada Janaale iyo Wararkii u dambeeyay [Faahfaahin]

Ciidamada Xooga dalka ayaa si Buuxda ula Wwreegtay Gacan ku hayta magaalada Janaale ee Gobolka Shabeelada Hoose, Kadib dagaal ka dhexmaray Kooxda Alshabaab oo Fadhiisin wayn ku lahayd degmaadaasi,.

Wararkii ugu dambeeyay ee Naga soo gaadhaya ayaa waxay sheegayaan inay Ciidamada Dawladdu Gudaha u galeen magaalada, Islamarkaana ay Feejigan u Wadaan Baadhitaano iyo Xaqiijinta Amniga.

Dad Goobjoogeyaal ah ayaa sheegay in Rasaas laga maqlay badhtamaha magaalada taasi oo u dhaxaysa ciidamada dawladda iyo maleeshiyaadka Alshabaab,  Iyadoona Qorshaha Ciidamadu Dawladdu uu yahay inay si Buuxda ula wareegaan gacan ku haynta Jannaale.

Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay faarujiyay degmada Janaale ee gobalka Shabeellada Hoose kadib markii ay ku soo dhawaadeen ciidamada Milateriga Soomaaliya, Waxaana Ciidamadu ay Markaasi kadib bilaabeen inay Qaab Qorshaysan u galaan Jannaale, Iyadoo ay Jiri karaan Qaraxyo iyo Weeraro ay Kooxda Alshabaab doonayso inay ku dhagarto Ciidamada Qalabka Sida.

“Ma jirto awood ciidan oo na hortaagan laakiin waxaa ka cabsi qabnaa qaraxyo dhulka la geliyay si tartiib ah ayey u galayaan ciidanka” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Milateriga Soomaaliya .

Degmada Janaale ayaa ka tirsan degmooyinka ay mudada dheer maalayaan Alshabaab waana degmada saddexaad oo ay gobalkaas ka joogaan, Waxayna hada ku Hadhi doonaan  Alshabaab degmooyinka Sablaale iyo Kuntuwaarey oo ka tirsan gobalka Shabeellada Hoose.

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa dhowaan kordhiyey duqeymaha ay la beegsanayaan Janaale, ayada oo toddobaadkii tagay kaliya laga fuliyey laba duqeyn.

Dawladda Soomaaliya ayaa Mudooyinkii dambe Waday Dib u habaynta CIidamada, waxayna hada Guulo la taaban karo ka gaadheen Howlgalo kala duwan oo ay fuliyeen, Waxaana meesha ka baxday Saamayntii Ciidanka AMISOM ee dhaqaalaha badan uu ku baxo.

Telefishinka Dawladda ayaa goordhowayd dhankiisa Xaqiijiyey In Ciidamada Dawladdu ay la wareegeen magaalada Janaale.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *